Waa
maxay Shaqaale?
Shaqaale ama Xoogsade waa qof u shaqeeya qof kale ama
shirkad ganacsi si uu Mushaar u qaato (http://dictionary.reference.com/browse/employee).
Horudhac
Aduunka casriga ah shaqaaluhu waxa ay leeyihiin xuquuq
qeexan oo layaqaan taas u o golaanaysa inay helaan wax walba oo xaq ama lihi u
leeyihiin isla markaasna ka difaacaysa wax kasta oo meel kudhac ku ah
sharaftooda iyo Xuquuqda ay leeyihiin oo ay ugu horrayso Mushaarka. Waxaa jira sidoo kale ururo shaqaale oo midaysan iskuna
duuban oo ka dhiidhin kara waxii ay u arkaan inay dhib ku yihiin.
Shaqaaluhu waa laba nuuc o kale ah Khabiir(Senior) iyo Curdan(Junior). Khabiirku waxa uu isku badalaa lataliye(Consultant) curdankuna waxa uu noqdaa
Khabiir sidaas ayay isku daba taal oo u wareegta noloshu.
Soomaaliya
iyo Shaqaale
Burburkii dalka kaddib wax walba waa karaama iyo qiima
beeleen qof walbana asagaa dowlad madax banana ah siduu doonana isu maamula. Marka
ay timaado shaqaalanimo bari waxa jirtay meel loo shaqa tagaa aysanba jirin laakin
waa yihii danbe waa laroona haba lakala darraade.
Qaybaha uu shaqaaluhu u qaybsamo ee aan horudhaca
maqaalkan kusoo sheegay Soomaaliya kama shaqeeyaan xatta wax u dhow ku arki
maysid. Waxaad arkaysaa shaqaale shirkad ganacsi u shaqaynayay inka badan 10
sano oo marki larabay in lamaamuso bah dil lagu samaynayo oo u dhiganta iska
bax ama sidaan ku shaqee taas oo niyad jab wayn ku keenaysa ruuxa nuucaas loola
dhaqmay. Waxaa kamid ah qabka bahdilka:-
v In lagu
soo oogo dacwado been abuur ah.
v In kaddibna
lagu sameeyo shaqa joojin aan melena loo cuskan.
v In lagu
sameeyo waxa loo yaqaan downgrade sida in meel aan u qalmin sumcadiisa iyo
shaqadiisa loo badalo.
v In maamul
looga dhigo qof darajo iyo aqoon ahaanba ka hooseeya.
v In loo
muujiyo in laga maarmo sida in marka shaqada laga joojiyo Automatically
booskisi vacancy advertisement loo sameeyo ama xatta qofkalaba booskisi
lageeyo.
v Iyo
in…. iyo in…….. iyo in…….
Maxaa
la gudboon qofka duruufta caynkaas ah ku shaqaynaya?
Dabcan aqriste haddi sidaan ay kugu dhacday ama aad wax
u eg ku dhex jirto aan kuu fasiree waa bax naga tag, horana usoco inta aanan
kusiin warqaddada ruqsada. Marka, waxa ku haboon inta aad ku dhex jirto good
mood inaad naftaada u diyaarisa inaad noqoto qof markasta loo bahanyahay ama
aan laga maarmin o marka aad fasax soo qoroto aad looga naxaa tagistaada
sidaasna waxa aad ku noqon kartaa inaad aad isku diyaariso o aqoontaada aad
dhistaa. Kama wado jaamacado tira badan kabax lkn same waxa loo yaqaan Continuous
study ama Self-study. Waliga ha niyad jabin waayo ciyaarta feerka lama kala
adkaado marka qofku dhulka ku dhaco lkn waxa lakala adkaada marka ciyaartoyda
midkood uu diido inuu dhulka ka kaco.
-----dhamaaad------