Hababka ugu badan ee la isticmaalo
Waayihii danbe, hay’adda ka shaqaysa arrimaha deeganka e
layiraahdo Environment Agency ee UK ayaa waxa ay soo bandhigtay habab ku meel
gaar ah oo lagu joojin karo fatahaadaha wabiyada si loogu helo ka hortag
dheerad ah fatahaadaha wabiyada.
Xayndaab
qayb-bireedka fudud (lightweight
Sectional Metal barrier): qayb ahaan waa raqiis waxaana loo diyaarin karaa
siyaaba badan o kala duwan waana laga bixin karaa halka laga dhiso marka biyaha
xoogoodu yaraado.
Qolof
Xayndaabedd (Frame
Barrier): waxa uu ka koobanyahay qolfo adag (rigid frames) oo ay celinayaan lakab aysan waxba ka gudbayn kaaso
isticmaalaya culeyska biyaha daadka ah qudhooda si uu xayndaabka uga
ilaaliyo inuu ka dhaqaaaqo booskiisa.
Xayndaabyadaan kumeel gaarka ah sidookale waxa loo
isticmaala in logu xoojiyo difaacyadii hore e joogtada ahaa si loo yareeyo
qatarta fatahaadaha sarana loogu qaado heerka xadididda daadadka.
Heerka
dabiiciga ah ee maamulidda daadadka
Maamulidda dabiiciga ah ee daadaka waxa ay u baahantahay
qorsha joogta ah si loo maareyo fatahaadaha taaso loogu talagalay in lagu
dhamaystiro laguna xoojiyo hababkii hore e ka hortagga fatahaadaha sida
carratuurka ama darbiga adag iyo xayndaabyada.
Qaababkaasi waxa ay kakooban yihiin isugaynta hababka
ugu yar e lagu faragalin karo fatahaadaha taas u jeedku yahay in layareeyo
xawaaraha daadka kahor inta aysan isku badalin wabi kale o deegamada soo gala.
Siyaabaha kale ee maaraynta waxa kamid ah in caratuur
lasameeyo iyo in biyaha loo furo meela kale oo biya mareena ah oo
loosiidiyaariyay taasoo koontarooli karta xawaaraha biyaha ama xatta yarayn
kartaa saamaynta daadadka.
Xigasho: Environment Agency iyo BBC