Somaaliya waxa ay hor umar muhiim ah kagaartay dib u
habaynta dhaqalaheeda iyadoo xariir wanaagsan layeelatay hay’adaha caalamiga ah
e dhanka dhaqaalaha SHANTII sano ee udanbaysay. Si kastaba ha ahatee, sida
kucada tala soo jeedinti afaraad e hay’adda lacagta aduunku ay bixisay 2016 saamaynta Abaarta ee dalka waxa ay
sababi doonta in korarka dhaqaaluhu u hoos udhici doono 3.4% ilaa 2.5%.
2012 Somaaliya waxa ay ka soo kabatay 20-sano o dagaalo
sokeeya ah. Dagaaladi kaddib xaaladda bulshada iyo dhaqaaluhuba waxay yihiin
mid wali adag, faqrigu waa mid baahsan, shaqa la’aanta dhalinyaraduna waa
halkeedi ayaa lagu yiri tala soo jeedinta IMF. Dowladda fedaraalka ah e
ladoortay 2012 beesha caalamkuna aqoonsatay waxay wali wajahaysaa awood yari
xaga hay’adaha dowliga ah, amni aan la isku halayn Karin iyo siyaasad qabiileed
dhib badan kuwaaso cuuryamiyay dib u dhiska dhaqaalaha. Iyadoo lahelaayo
taageerada deeq bixiyayaasha waxa hor umar lataaban karo laga sameeyay dhanka
amaanka, sare uqaadida aqoonta iyo awooda hay’adaha dowliga ah iyo dhismaha
maamul goboleedyada.
Xoghaya dhanka maamulka e IMF waxa u ansixiyay barnaamij
layiraahdo Staff-Monitored Program (SMP) 2016-kii kaaso soconaaya May 2016 ilaa
iyo April 2017. SMP ujeedkisu waxa uu yahay inuu caawiyo sare u qaadidda
hanaanka dib udhiska dhaqaalaha Soomaaliya, dib u eegidda siyaasadda xoojinta
iyo maaraynta ganacsiga yaryar, maamulidda dhaqaalaha iyo awooda hay’adaha
dowliga ah. Iyadoo la ogyahay ducfiga nadaamka awoodeed ee Somaaliya,
caawinaada dhanka farsamada (technical assistant) ahi waa qaybta ugu mihiimsaka
e barnaamijkaan SMP uu qabanayo.
Iyadoo ay jirto jawi siyaasadeed aad u adag, dowladda
Federaalka ahi waxay dadaal adag ugu jirta dib u soo nooleynta ilaheeda
dhaqaalaha iyo hay’adaha ku shaqada leh. Dowladdu waxa ay ansixisay sharci loo
yaqaano Public Financial Management (PFM), waxay suurta galisay in
shaqaalaheeda rayidka ahi ay mushaarka u helaan qaab dijitaal ah booliskuna
sidoo kale ku qaato mushaarka adeegaas, xisaab xirkii sanadki 2015 ayaa loo
gudbiyay hanti dhowrka guud, waxa la ansixiyay qorshaha dib uhabaynta PFM-ka ee
2016-2020 ka iyo sidoo kale dowladdu waxa ay diyaarisay qorshaha qaranka ama
National Development Plan (NDP). Iyado dowladdu wax ka ogtahay qorshaha dib u
hayaynta lacagta, Bank dhexe e Somaaliya waxa u dib u dhisay shaqaala badana u
qaadatay qaybta maamulidda lacagaha kaashka ah, waxa uu diyaariyay qabya
qoraalka qorsha ka hortagga lacagaha been abuurka ah (anti-counterfeit) iyo iyadoo Bank-gu u sameeyay shax faahfaahsan o
loogu talagalay dib u habaynta lacagta, sidoo kale waxaa dhamaaday Audit cid
kale ay samaysay (External Audit) o
lagu sameeyay xisaab xirkii bangiga ee sanadkii 2014-ka.
Dhaqaalaha Somaaliya waxaa lafilayaa inuu ku sii
tiirsanaan doono deeqaha deeq bixiyayaasha, mashaaricda INGOs-ka iyo
maalgalinta tooska ah ee badanaa ka timaada Somaalida dibadaha. Korarka dhaqdhaqaaqa
dhaqaalaha dalku waa mid u banbaxsan inuu hoos u dhaco xilli sanadeedka
2016-17. Korarka dhaqaaluhu waxa u ahaa sanadki 2016 3.4% halka sanadkaan
lafilaayo inuu noqdo 2.5%. hoos u dhacaan ayaa waxa ugu wayn oo sababay aya ah
saamaynta abaartu ay kuyeelatay wax soo saarki beeraha o awal ahaa mid la
tartamaya qaybaha kale e wax soo saarka dalka sida dhismaha, isgaarsiinta iyo
adeegyada. Sidoo kale, sicir bararka ayaa waxa lagu qiyaasay sanadki 2016 1.5% hadana
waxa lafilayaa inuu sara ukaco ilaa 2.7% sanadkaan 2017. Lacagaha dibadaha
kayimiaada waxay boqolkiiba 55.5% kayihiin dakhliga gudaha (GDP) waxayna inta
badan kayimaadan xawaaladaha la soodiro iyo mashaaricda (grants) ay bixiyaan
shisheeyuhu.
Iyada oo hora u soconaysa, dowladda federalka ahi waxay sii
wadi doonta inay fuliso dhaman halbeegyada asalka ah si loo hor mariyo fiscal framework,
sare u qaadidda faa’idada canshuurta (raise tax revenue), iyo samaynta dib u
habayn qaabaysan. Dowladdu waxay qorshaynaysaa inay dib u eegid ku samayso
qorshaheeda hor marinta qaranka si uu unoqdo gundhigga hab hormarineed walaba
ayaa lagu soo gabagabeeyay xogta IMF.
waxaan cudurdaar muhiim ah siinayaa dhamaan hay'adaha dowliga ah e maaliyadda iyo dhaqaalaha, dhaqaalyahanada Somaaliyeed iyo aqristayaasha sharafta leh kaaso ku aadan tarjumadayda liidata e eray bixinada qaar iyo kuwa aan sidooda usoo qaatay intaba waayo anigu maahi dhaqaalayahan bartay cilmiga dhaqaalaha ama maamulka maaliyadda kaliya waxaan muhiim u arkay iyado la eegyo xiligaan adag inaan macluumaadkan uga faa'ideyo saaxibada daalacda bartayda aan kuleeyahay Google.
Mahadsanid