Tuesday, August 1, 2017

Durable Solutions for Galmudug's Humanitarian Crisis

From conflicts to droughts among with Somali national Note Shilling Dismissal, here are some steps for durable solutions to recurrent disasters.
Early recovery for IDPs in Galmudug State of Somalia (GSS)


1.   Launching assessments by implementing concrete data collections to finally convey Number of Internally displacements in entire GSS, finding out exact reasons of displacements, sub number for long term IDPs, recovery type people need, etc.
2.   Water sources distribution to the remote rural areas by increasing the availability of Shallow Wells and boreholes like initiating new facilities, rehabilitating existing ones by insuring the quality of water to prevent water related diseases.
3.   Restocking Nomadic residents to regain their life in countryside when drought circulation finishes in help with receive basic training for tackling livestock diseases.
4.   Implementing a proper strategy for animal fodder like to prepare short fodder farming places for test to know where it can grow exactly in short term with large quantified productions. Then, after successful tests GSS should prepare policies, procedures and guidelines with the help of FGS and International Community to deploy this programme. It will create some sort of resilience and eradicate future drought affects.
5.   Beginning huge capacity building and trainings for agro pastoralists to teach them how to take advantage from the livestock during prosperous seasons like generating benefits in different animal productions to combat future disasters and store backups.
6.   Facilitating agriculture sector to needed resources to develop their production capacity and encouraging to increase production of foodstuff instead of seeding and planting multiple of lemons for the sake of export.
7.   Developing and improving fishery sector to become an alternate for those who lost their livestock and don’t like to be back in nomadic life.
8.   Infrastructure development.
9.   Creating an overall national level resiliency strategy.

10.People think back and stop meaningless man made conflicts.


Ahmed Wehlie
Director General/Humanitarian Coordinator for MoHADC of Galmudug State of Somalia


Tuesday, February 21, 2017

INAAD UN-KA U SHAQAYSO MAAHAN INAAD DADKA UGU XIRFAD IYO CAQLI BADAN TAHAY

Soomaaliya waxa ay gumaysigii ka xorowday lixdameeyadi wixii xiligaas ka danbeyayna waxa dalka soomaray dowlado rayid iyo milatari iskugu jiray. Wixi ka danbeyay sagaashamaadki dalku waxa u galay nasiib darro taaso ilaa imminka aan si wacan looga soo kaban waqtiyadu haba kala roonaadeene.


Laga soo bilaabo burburki dalka ilaa imminka dalka wax ka howl galayay hay’ado caalami ah o ay ugu wayntahay JAMCIYADDA QURUMAHA KA DHAXAYSA ama Qaramada Midoobay. Runtii dalka wax badan ayay ka qabteen o isugu jira Arrima Bani’adanimo iyo Horumarin intaba qormadaana maahan waxa aan uga hadlayaa arrinkaas.

Waxa jira shaqaala badan o aqoonyahan iyo xirfadlayaal isugu jira aadna u fiican o howshaas muhiimka ah soo qabtay imminkana wali wada o runtii usoo dhabar adaygay waqtiyo adagna soo dulqaatay. Qaarba naftooda ku waayay kuwa kalana way soo dhaawacmeen si loo gaaro wax ka qabashada arrimaha bani’adanimada murugsan ee dalka kajira.
Dadku isku mid maahane, kuwa kale o fara kutirs ah ayaa si guracan u isticmaalay hadafkaas quruxda badan ayagoo ka faa’ideysanaya awooda hay’adda u ka tirsanyahay iyo sumcadda ay leedahay.
Qaarba ka qaaday isla WAYNAN, KIBIR iyo YASMO u shaqaynta hay’adaha caalamiga ah iyakoo malaha uqaatay kubiirada hay’adahaas inay lamicna tahay adigaa wax walba ah.
Maadama dalku yahay dal faqri ah, qaarba la wareeray mushaarka iyo gunooyinka xooga sareeya e bil walba u soo dhacaya taaso qayb wayn ka ah ficiladaas liita ee lagu yaqaano dadka wax ma garatada ah e aan nolosha aduunyadan imminka lajoogo iyo tii horaba aan wax badan kala socon.

Ugu danbayn, hadaad shaqaala caalami ah tahay ha ismoodin wax kale e noqo qof lafahmi karo, furfuran o dad ladhaqankiisu yahay mid haboon.


F.G: qormadaydaan cid gaar ah kuma socoto


Igala soo xariir:
                Qayd2012@gmail.com
                Twitter
                

                  Nabadeey
                       
                       


Friday, February 17, 2017

Abaarta oo hoos u dhac ku samayn doonta dhaqaalaha dalka Somaaliya sanadkaan 2017 sida ay sheegtay IMF

Somaaliya waxa ay hor umar muhiim ah kagaartay dib u habaynta dhaqalaheeda iyadoo xariir wanaagsan layeelatay hay’adaha caalamiga ah e dhanka dhaqaalaha SHANTII sano ee udanbaysay. Si kastaba ha ahatee, sida kucada tala soo jeedinti afaraad e hay’adda lacagta aduunku ay bixisay 2016 saamaynta Abaarta ee dalka waxa ay sababi doonta in korarka dhaqaaluhu u hoos udhici doono 3.4% ilaa 2.5%.


2012 Somaaliya waxa ay ka soo kabatay 20-sano o dagaalo sokeeya ah. Dagaaladi kaddib xaaladda bulshada iyo dhaqaaluhuba waxay yihiin mid wali adag, faqrigu waa mid baahsan, shaqa la’aanta dhalinyaraduna waa halkeedi ayaa lagu yiri tala soo jeedinta IMF. Dowladda fedaraalka ah e ladoortay 2012 beesha caalamkuna aqoonsatay waxay wali wajahaysaa awood yari xaga hay’adaha dowliga ah, amni aan la isku halayn Karin iyo siyaasad qabiileed dhib badan kuwaaso cuuryamiyay dib u dhiska dhaqaalaha. Iyadoo lahelaayo taageerada deeq bixiyayaasha waxa hor umar lataaban karo laga sameeyay dhanka amaanka, sare uqaadida aqoonta iyo awooda hay’adaha dowliga ah iyo dhismaha maamul goboleedyada.

Xoghaya dhanka maamulka e IMF waxa u ansixiyay barnaamij layiraahdo Staff-Monitored Program (SMP) 2016-kii kaaso soconaaya May 2016 ilaa iyo April 2017. SMP ujeedkisu waxa uu yahay inuu caawiyo sare u qaadidda hanaanka dib udhiska dhaqaalaha Soomaaliya, dib u eegidda siyaasadda xoojinta iyo maaraynta ganacsiga yaryar, maamulidda dhaqaalaha iyo awooda hay’adaha dowliga ah. Iyadoo la ogyahay ducfiga nadaamka awoodeed ee Somaaliya, caawinaada dhanka farsamada (technical assistant) ahi waa qaybta ugu mihiimsaka e barnaamijkaan SMP uu qabanayo.

Iyadoo ay jirto jawi siyaasadeed aad u adag, dowladda Federaalka ahi waxay dadaal adag ugu jirta dib u soo nooleynta ilaheeda dhaqaalaha iyo hay’adaha ku shaqada leh. Dowladdu waxa ay ansixisay sharci loo yaqaano Public Financial Management (PFM), waxay suurta galisay in shaqaalaheeda rayidka ahi ay mushaarka u helaan qaab dijitaal ah booliskuna sidoo kale ku qaato mushaarka adeegaas, xisaab xirkii sanadki 2015 ayaa loo gudbiyay hanti dhowrka guud, waxa la ansixiyay qorshaha dib uhabaynta PFM-ka ee 2016-2020 ka iyo sidoo kale dowladdu waxa ay diyaarisay qorshaha qaranka ama National Development Plan (NDP). Iyado dowladdu wax ka ogtahay qorshaha dib u hayaynta lacagta, Bank dhexe e Somaaliya waxa u dib u dhisay shaqaala badana u qaadatay qaybta maamulidda lacagaha kaashka ah, waxa uu diyaariyay qabya qoraalka qorsha ka hortagga lacagaha been abuurka ah (anti-counterfeit) iyo iyadoo Bank-gu u sameeyay shax faahfaahsan o loogu talagalay dib u habaynta lacagta, sidoo kale waxaa dhamaaday Audit cid kale ay samaysay (External Audit) o lagu sameeyay xisaab xirkii bangiga ee sanadkii 2014-ka.

Dhaqaalaha Somaaliya waxaa lafilayaa inuu ku sii tiirsanaan doono deeqaha deeq bixiyayaasha, mashaaricda INGOs-ka iyo maalgalinta tooska ah ee badanaa ka timaada Somaalida dibadaha. Korarka dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha dalku waa mid u banbaxsan inuu hoos u dhaco xilli sanadeedka 2016-17. Korarka dhaqaaluhu waxa u ahaa sanadki 2016 3.4% halka sanadkaan lafilaayo inuu noqdo 2.5%. hoos u dhacaan ayaa waxa ugu wayn oo sababay aya ah saamaynta abaartu ay kuyeelatay wax soo saarki beeraha o awal ahaa mid la tartamaya qaybaha kale e wax soo saarka dalka sida dhismaha, isgaarsiinta iyo adeegyada. Sidoo kale, sicir bararka ayaa waxa lagu qiyaasay sanadki 2016 1.5% hadana waxa lafilayaa inuu sara ukaco ilaa 2.7% sanadkaan 2017. Lacagaha dibadaha kayimiaada waxay boqolkiiba 55.5% kayihiin dakhliga gudaha (GDP) waxayna inta badan kayimaadan xawaaladaha la soodiro iyo mashaaricda (grants) ay bixiyaan shisheeyuhu.


Iyada oo hora u soconaysa, dowladda federalka ahi waxay sii wadi doonta inay fuliso dhaman halbeegyada asalka ah si loo hor mariyo fiscal framework, sare u qaadidda faa’idada canshuurta (raise tax revenue), iyo samaynta dib u habayn qaabaysan. Dowladdu waxay qorshaynaysaa inay dib u eegid ku samayso qorshaheeda hor marinta qaranka si uu unoqdo gundhigga hab hormarineed walaba ayaa lagu soo gabagabeeyay xogta IMF.

waxaan cudurdaar muhiim ah siinayaa dhamaan hay'adaha dowliga ah e maaliyadda iyo dhaqaalaha, dhaqaalyahanada Somaaliyeed iyo aqristayaasha sharafta leh kaaso ku aadan tarjumadayda liidata e eray bixinada qaar iyo kuwa aan sidooda usoo qaatay intaba waayo anigu maahi dhaqaalayahan bartay cilmiga dhaqaalaha ama maamulka maaliyadda kaliya waxaan muhiim u arkay iyado la eegyo xiligaan adag inaan macluumaadkan uga faa'ideyo saaxibada daalacda bartayda aan kuleeyahay Google. 
 haddi aad rabto halki aan ka soo tarjumay riix halkaan

Mahadsanid

Sunday, January 8, 2017

Habka ugu wanaagsan ee casharada dib loogu aqriyo

BISMIALLAH,
Arday walba waxa u jecelyahay inuu si wanaagsan uga gudbo fasal walba e u dhiganayo asago maada walba ka keensanaya dhibcaha ugu wanaagsan ee laga heli karo maadadaas. Iyadoo wax walba nasiib yihiin hadana arrinkaas waxa u ubaahanyahay inaad u wajahdo si xeeladaysan si lamarkaasna aan dhib badan lagala kulmayn. Markasto o Imtixaanaad lashaaciyo waxaa dhacda in arday badan ay lakulmaan wareer farabadan (frustration) kaddib marki ay isku dhigmi waysay natiijada ay lakulmeen iyo saacadihii faraha badnaa misana xariirka aha e ay wax soo aqrinayeen.
Haddaba si arrimahaas aysan kuu qabsan waxa aan halkaan kugula wadaagaya farsamooyin yaryar o aan is leeyahay haddi aad raacdo waxa kuu sahlanaan doono Alle idankii inaad si raaxa leh ku dhamays tirto inta ugu muhiimsan safarkaaga wax barashada.
1.   Soo xaadir fasalka dhugna u yeelo sharaxaada Macalinka
Fasalko o aad timaado waqtiga saxda ah isla markaasna aad tahay qof soo dhiran si wacanna ula socoda dhamman dhaqdhaqaaqa Macalinka waxa ay kaa cawinaysa inaad sharaxaada dib usoo xasuusato marka hadhow aad buga aqrinayso.

Ma Ogtahay: way adagtahay inaad ku raaxayso aqrinta cashar aad ka maqnayd ama aadan si wacan usoo dhagaysan arrinkan oo kamid ah mid kamid ah waxyaabha keena inad si dhaqsa ah uga caajisto aqriska duruusta.

2.   Si wanaagsan uga qayb qaado doodaha fasalka
Waydiimaha iyo warcelinta ay isdhaafsadan Macalinka iyo Ardaydu ka mid ahow noqona qof ah ka qayb qaate wanaagsan (active participant).

Ma ogtahay: Sahal laguma iloobo su’alaha arday badan inta kasoo gudubtay aad adigu ka warcelisay iyo midda aad inta gaftay saaxibkaa ka jawaabay.

3.   Dhamaystir shaqa guriga si maalinle ah
Su’aalaha guriga lala aado inaad ka soo shaqaysaa kaliya maahan inaad shaqa kuutalay iska qabatay e waxa ay kaacawinaysaa inaad ogaato waxa kuu qoran sax ahaantooda iyo inkale waayo Macalinka ay ku saxaya. Waxa dhacda inta badan macalimintu inaysan waqti badan u helin inay ardayda o dhan wax u saxaan marka iskuday inta badan inaad kamid noqoto dadka dhifka ah e wax loo saxo.

Ma ogtahay: su’ala badan o kaga jawaabnayn isna gaaray inay tahay niyad jabkaaga koowaada e xilliga Imtixaanka kalsoonidana ka qaadi kara.

4.   Raadso meel ku haboon inaad wax ku aqriso
ü  Samayso meel kuu go’an kaligaa.
ü  Haddi aad joogto meel leh Wi-Fi ka bax (sign-out) dhamman baraha bulshadu kuwada xariran sida Facebook, Twitter, Instagram, etc.
ü  Codka ka xir mobilkaaga (Silent or Mute).

Ma ogtahay: waxaad aqriso adigoo jooga meel aan munaasab ahayn ama baraha bulshada kujira inaad si sahlan ku hilaamayso.

5.   U kala hormarso Maadoyinkaaga siday kuuga kala muhimsan yihin ama aad u kala jeceshahay
Ardaydu iskumid maahan qofba maado ayu jecelyahay ama ay xiriir laleedahay waxa u rabo mustaqbalka inuu jaamacad ka diyaarsho, inaad sidaan yeesho waxay kuu ogolaanaysaa inaad wax aqrintaada hore usii wado waayo waxaad aqrinaysa wax ku xiisa galinaaya kaddibna aad u gudubto maadooyinka kuu harsan.
Waxaad isticmaasha waxa looyaqaan checklist ama to do-list kuna dhaqan isla markaasna calaamad ku dhigo inta aad soo dhamaysay si ay kuuga calaamad sanaato.
6.   Samayso habraac waqtiyeed suura gal ah ama caqli gal ah
Qubarada arrimahaan aadka ugu xeelka dheer waxay yiraahdaan intii aad isku aruurin lahayd casharada e halmar aad u fariisan lahayd saacada dhaadheer o xariir ah wax aka wanaagsan inaad maalin walba 15 daqiiqo aad samayso waxa loo yaqaan (summarizing or note taking) kaddibna aad fiir fiiriso waxi aad qabatay. Caadi ahaan waqtiga ugu macquulsan e wax la aqrin karaa si xariir ah waa 60 daqiiqo ama hal saac kadibna qaado biririf yar (refreshment) sida inaad wacdo qof aad shekadiisa xiisaynayo kaddibna dib ugu laabato, arrinkaan waxa u nafis siinaya maskaxdaada kana dhiga mid dib u karaar qaadata. Hal saac waxa lagu aqrin kara hal cutub o aan aad u dheerayn. Qodabkaan waxa aan kawada adigu isku jaan goo waqtiga aad qabsatay iyo xadiga waxa aad aqrinaysa inta ay la egyihiin.

Ma ogtahay: inaad isku daydo aqrinta 12 cutub o xariir ah waxa ay dhibaysaa maskaxdaada kana dhigta mid isku cakiran (stuck).

7.   Ha noqon qof aqrinaaya sheeko (Story)
Maahid qof aqrisanaya sheeka qof qoraa ahi qoray e waa inad la fal gashaa waxa aad aqrinayso sida inaad:-
ü  Calaamadiso meelaha muhiimka ah e aad isleedahay su’alo ayaa ka imaan kara.
ü  Xooga saarto eray climiyeedka (terminologies/keywords) kujira casharka iyo hababka kala duwan ee loo qeexayo.
ü  Su’alo jeebkaaga ah inaad ka soo sarto cutubka marka aad dhamayso.
ü  Iyo inaad naqtiin ku samayso cutub walba marka aad dhamayso inta aadan kan kale u gudbin.
8.   Isticmaal shax (chart) ama sawir (diagram)


Sawirkaasba sida aad ka aragto way sahalantahay inaad maskaxd ku qabato sida loo qaybiyay Jeermiska. Haduusan macalinku ama buuga aad aqrinaysaa usaan qaabkan samayn adigu samayso.
9.   Qofkale u sharax oo Macalin u noqo
Raadso qof inta badan maadada aan wax ka aqoon si uusan hadba wax kuugu qabsan kaddibna u sharax. Intaba waxa la ogyahay waxa aad cidkale u sharaxdo sahal kuma hilmaantid maskaxdaadana way ka dhaadhacdaa hadii kale, isticmaal muraayad wayn o isku sharax arrinkaana fa’iida kalana wa kuu leeyahoo waxaa lagu bartaa sida dad wax loogu sheego.
10.  Raadso qoraalo ku haga ama Imtixaano horay loo qaaday
Raadi haddi iskuulkaagu/kuliyadaadu ay samaysay qoraalo loogu talagalay ardayda oo ku hagaaya sidii ay ula macaamili lahaayeen sanad daraasedkan kugu cusub sidoo kale Imtixaanadi hore inaad qaar ka aragtaa waxay ka cawinaysaa inaad wax ka si fahmato habka Imtixaanku u ekaan karo.
11. Samayso waqti nasiino (take breaks)
Cidina buug ma dul fadhin karto marwalba waa inuu jiraa waqtiyo kuu gaara sida jimcooyinka oo aad asaxaabta labaashaal tagtaa badanaa jimcooyinka ayay ku haboontahay inaad sidaan samayso.
12. Lasaaxib inta badan Macalimiintaada
Waxay sidaani kuu sahlaysaa inaad caawinaad ka hesho macalimiinta waxaadna ku gaari kartaa inaad marka hore tahay adigu arday firfircoon.
13. Mararka qaar ardayda kale e fasalka wax la aqrsio
Waxaa haboon inaad ardayda firfircoon e isku hadafka aad tihiin waliba aadna isku xaafadda ahayn ama saxibada isku dhow (close freinds) aad wax la aqrisato
Waayo saaxibada isku xafadda ahi intabadan marka ay isla joogan wax ma aqristan waxa laga yaaba inaad is waydisaan kulamidi udanbeeyay ee Premier League laga cayaaray. Laakin si kaduwan, ardayda aadna isku xaafadda ahayn ama aadna ahayn saxiba isku dhow marka aad isku timaadan hora waxaad ka galaysaan shaqadi aad meesha u timaadeen waayo majiraan waxbadan o aad isla taqaanan o aad kawada shekaysataan. Qodabkaan waxa uu aad u anfacayaa ardayda jooga magaaloyinkaa waawayn.
14. Qoyskaagu waa inuu kugu caawiyaa wax barashadaada
Qoyskaagu waaba ku caawiyay o waa adigaan wax baranaya laakin waxaan kawada wa in xiliyada aad wax aqriska kujirto aan wax laguu dirdirsan o lagaa leexdaa si aad fursad fiican ugu hesho wax aqriskaaga isla markaasna aad xooga u saarto waxa aad aqrinayso.

Intaas Ayaan kusooo koobayaa qormadayda ogowna waxaan waa fikradayda hadaysan ku cajabin just leave it and ignore.


Mahdsanid

Sawirkaan eeg hadaad rabto English qoraalka oo ah

                                                               



Sunday, December 25, 2016

Habka ugu wanaagsan ee lagu yarayn karo walwalka Imtixaanadka

Waa marwalba iska dhaca inta badan in marka Imtixaan lagaaro u yimaado walwal ku yimaada ardayga arrinkaas oo sababi kara in u diyaar garowga Imtixaanka uu hoos u dhaco. Waxyaabaha walwalkaan keena waxaa ugu horeeya ama ugu wayn liidashada hab waxbarasheedka ardayga ee marka daraasaddu socoto. Haddaba waxaan qorma kooban ka samayn doona sida ugu fudud ee looga hortagi karo walwalkaas.
v  Naftaad aamin: kalsoonida naftaada waa furaha koowaad ee wax walba ku gaarsiin kara o haddi aad hanota ay waxlba kuu hagaagayaan ugu danbayn, haddi ay kaa luntana aysan cidkale kusiinkarin. Haddi aad cidkale ka sugayso inaad kahesho caawinaad dhanka Imtixaanka ah waligaa ka bixi maysid walwal Imtixaaneedka hadaad mar sidaas ku gudubto mararka danbe dhib ayay kugu noqon doontaa.
v  Ha isku dayin inaad maada walba inta lagu saxaayo keento: waa arrin inta badan ay sameeyaan dadka dhifka ah, laakin haddi aad ku qanci waydo wax kayar inta lagu saxayo maada walba waxaad abuuranaysaa buuro walwal ah oo cidina aysan kaa saari karayn. Wax walba fudayd kadhig kuna qanac haddi aad lumiso shan darajo iyo waxii lamid ah.
v  Dhibka aad lakulanto markaaba xalli:  haddi ay dhacdo inaad fahmi wayso maadoyinka qaar cashara kamid ah raadi caawinaad sida inaad gooni ula kulanto macalinka maadadaas dhigaya ama inaad arday kale o fahamsan aad caawinaad waydiisato si aad u fahmto waxa kaa maqan. Tani waxay kaa yarayn karayntaa dhibka aad kala kulmi lahayd marka aad murajacada samaynayso waayo waa dhib waxaadan fahamsanayn inaad muraajacayso.
v  Samayso saaxib wanaagsan oo aad wax isla fiirfiirisaan: waxaa wanaagsan inaad leedahay saaxiibo wanaagsan oo ardayda kamid ah oo wax isla daraasaysaan mararka qaar si aad iskula turxaan bixisaan waxyaabaha mugdigu kujiro. Tani waxa ay sara u qaadaysaa fahamkaga ku saabsan maadada aad ku samaysaan dib u eegida waxayna ku soo laabanaysaa maskaxdaada marwalba.
v  Qorshayso waqti kugu filan ee wax aqriska: qorsha fiican u samayso wax aqrinta sida inaad maalin walba samayso  50 daqiiqo o wax aqrish ah kaddibna aad break yar qaadatao hadana aad 50 daqiiqo o kale aad samayso. Arrinkan waxa uu ku gaarssin doona in marka Imtixaan lagaaro aadan waxba ka walwalin. Break qaadashadu waxay yaraynaysaa inaadan caajisin maskaxduna ay nasiina yar hesho o ay dib ugu karaar qaadato. Jadwal u yeel wax aqriskaaga haba yaraade o ku dhaqan waqtiga meesha ku qoran waa tusaale.
v  Yaree maqnaashahaaga xilliga daraasadda: waxa aad iska ilaalisaa inaad ka maqnaato xiisad kamid ah daraasadda haba ahaato xataa mid sports ah waayo waxa macalinku sheegay cidkale o ku celin kartaa waa yartahay. Sidoo kale iska ilaali soo daaha o asna ah caqabad kale oo dhib kugu keeni karta.
v  Samayso waqti gaar ah oo aad saaxibada la baashaasho: mar walba hadulfadhin book un waa inaaad saaxibadaa banaanka u raacda banooni la soo cayaarta ama sheeko la soo yeelaato. Arrinkaa waxa u kuu samaynaa inaad isku dheeli tirto hab nololeedkaaga waxa uuna siguud kaaga nafisinayaa culaysyada nolosha ee kugu imaan kara waana inaad leedahay saaxiibo aad isku hadaf tihiin oo aad waqtiyada wanaagsan isla qaadataan.
Waxii kale ee aad isleedahay waxay kaa yarayn karaan walwalka Imtixaanadka waad ku darsan kartaa ogowna waxaad taqaanid ayaad qaldi kartaa e ha isku dhibin inaad ka fakarto maado aad gashay wax aad ka soo qaladay ee xooga saar marwalba mida soosocot.

Nasiib Wacan dhamman ardayda heerarka kala duwan kujirta ee Imtixaanadka  sugaya marwalba.

Wednesday, May 25, 2016

Side looga hortagi karaa fatahaadaha?


Hababka ugu badan ee la isticmaalo
Waayihii danbe, hay’adda ka shaqaysa arrimaha deeganka e layiraahdo Environment Agency ee UK ayaa waxa ay soo bandhigtay habab ku meel gaar ah oo lagu joojin karo fatahaadaha wabiyada si loogu helo ka hortag dheerad ah fatahaadaha wabiyada.

Xayndaab qayb-bireedka fudud (lightweight Sectional Metal barrier): qayb ahaan waa raqiis waxaana loo diyaarin karaa siyaaba badan o kala duwan waana laga bixin karaa halka laga dhiso marka biyaha xoogoodu yaraado.

Qolof Xayndaabedd (Frame Barrier): waxa uu ka koobanyahay qolfo adag (rigid frames) oo ay celinayaan lakab aysan waxba ka gudbayn kaaso isticmaalaya culeyska biyaha daadka ah qudhooda si uu xayndaabka uga ilaaliyo inuu ka dhaqaaaqo booskiisa.
Xayndaabyadaan kumeel gaarka ah sidookale waxa loo isticmaala in logu xoojiyo difaacyadii hore e joogtada ahaa si loo yareeyo qatarta fatahaadaha sarana loogu qaado heerka xadididda daadadka.



Heerka dabiiciga ah ee maamulidda daadadka
Maamulidda dabiiciga ah ee daadaka waxa ay u baahantahay qorsha joogta ah si loo maareyo fatahaadaha taaso loogu talagalay in lagu dhamaystiro laguna xoojiyo hababkii hore e ka hortagga fatahaadaha sida carratuurka ama darbiga adag iyo xayndaabyada.
Qaababkaasi waxa ay kakooban yihiin isugaynta hababka ugu yar e lagu faragalin karo fatahaadaha taas u jeedku yahay in layareeyo xawaaraha daadka kahor inta aysan isku badalin wabi kale o deegamada soo gala.
Siyaabaha kale ee maaraynta waxa kamid ah in caratuur lasameeyo iyo in biyaha loo furo meela kale oo biya mareena ah oo loosiidiyaariyay taasoo koontarooli karta xawaaraha biyaha ama xatta yarayn kartaa saamaynta daadadka.  

Xigasho: Environment Agency iyo BBC

Saturday, May 21, 2016

Side ku dooran lahayd kulliyada aad rabto marka aad dhamayso dugsi sare?

Sanad walba waxaa ka soo qalin jabiya arday badan dugsiyada sare kuwaa oo dhibaata ka qabsato sidii ay ugu biiri lahaayeen kuliyadda ku haboon isla markaasna uu Ardaygu raaxa ku dareemi karo marka uu dhiganayo fasalka. Sida inbadanba dhacda arday walba waxa u fiirsada saxiibadiis halka ay u badanyihiin ama ardaydii ka horreysay halka ay kubiireen taasina caqabad ayay ku keeni karta qofka sidaas sameeya iyadoo ugu danbayn ay dhici karto inuuba wax barashada ka tago.
Qormadaan waxa aan jeclahay inaan ugu faa’ideyo ardayda sanadkaan kaso qalin jabisay dugsiyada sare ee dalkeena si ay faham uga qaatan habka ay u dooran lahaayeen qayb jamacadeedka ku haboon si ay ugu sahlanaato ardayga inuu fudayd ku dhamaysto jaamacada.

1-   Waa maxay xirfada aad rabto inaad barato?
Inaad ogaata xirfadda aad doonayso inaad barato ama ku taqasusta waxa ay kaa cawinaysa inaad ogaato halka hayaankaagu yahay waxaadna ogaanaysa meesha ay jirto kulliyada aad u baahantahay tusaale ahaan haddi aad doonayso inaad barato cilmiga deegaanka (Environmentalist) waxa ay qayb katahay kulliyadda layiraahdo Ecology.

2-  Ardaynimadaadi maadoyinke ku wanaagsanayd?
Dib u eeg ugu yaraan tobonkaagi sano ee arday-iskuulka ahayd kuwee ahaayen maadoyinka aad ku firfircooneed tusaale ahaan, haddi aad ahayd arday aad ugu fiican maadoyinka sayniska gaar ahaan qaybaha xisaabadka iyo fiisikiska way iska cadahay inaad u socoto kulliyada injineeriyada qaybaheeda kala duwan.

 3-   Noqo aqoonyahan markasta loo baahanyahay
Si aad u noqoto qof loobahanyahay marwalba waa inaad awood u yeelata inaad baran karto waxa looga baahanyahay deegankaaga e aan loobadnayn si aad u buuxiso booskaas banan ama sikale haddi aan u iraahdo waa kulliyadaha aan horay loobaran. Tusaale ahaan wadankeena waxa kamid ah qaybaha aadka loobartay maaraynta ganacsiga oo dad badani ay barteen. Si arrinkaan aad go’aan fiican uga qaadato waxaad u baahantahay inaad latashato saaxib wanaagsan ama qofkle oo khabiir ku ah arrimahaan sida barfisoorada jaamacadaha.

4-  Inaad leedahay nadaam kuu dagsan o kala horeeya (priorities) tusaale ahaan waxaad rabtay inaad noqoto pathologist waana ku suurtoobi waysay inaad hesho qaybtaas. Ma iska fariisanaysaa marka? Maya, ee wa inaad horay u sii ogayd haddi aad waydo dooqagi koowaad inuu kuu jiray mid labaad o isla qaybahaas caafimaadka ah waayo waa in listiga aad samaysanaysaa uu yahay mid logic ku dhisan ama cilaaqaad isla leh. Arrinka aan qodabkaan uga hadlayo waad ku arki doontaa jaamacadaha qaarkood o forms-ka lagaa buuxin doono ayaa waxa kamid noqon doono inta kulliyadood e aad jecashahay inaad ku biirto haddi aad wayso ti aad dalbatay markii hore.

Ugu danbayn, waxa aad ogaata dooqa saaxibkaa maahan kaaga ee adigu marwalba ku dadaal sidii aad ugu biiri lahayd kulliyada aad jeceshahay. Haddi aysan wadanka diyaar ku ahayn qaybta aad doonaysa inaad ku mutacalimto isla markaasna aad awood dhaqaale u leedahay inaad dalka dibadiisa aado haka daahin o yuusan waqti kaa lumin.

      ----------DHAMAAD-----