Thursday, December 18, 2014

Sidee kubaahin lahayd ganacsigaaga ado meel gaar ah xooga saaray?

Marka aad dhex marto suuqa bakaaraha ee aad in cabbaar ah aad isha laraacdo tusmooyinka ganacsi ee darbiyada ku dhagan waxaa inta badan indhahaagu qabanayaan HEBELOW GENERAL TRADING COMPANY iyo wax lamid ah o lamacna ah in meheradaani tahay e aysan meel gooni ah xoogga sarayn. haddaba waxan jeclahay in arrinkas aan qorma yar aan kasameeyo inkasto aanan ahayn ruux si qotta dheer ganacsiga u bartay.
waa maxay qaabka aad jeceshahay inaad ganacsigaaga u kobciso sanadka soosocda? keen badeecoyin kaladuwan? kashaqee suuqyo badan adoo kashaqaynaya qalab kaladuwan? lkn Ganacsade malasocotaa in istiraatijiyadda ganacsiga aysan kamid ahayn in aysan ahayn dareen guud o kutusinaaya in wax kasta laga beecmushtaro.
tusaale maskaxdu waxay ku sheegaysa haddi aad si guud u beecmushtarto inaad faa'iido badan gaarayso laakin intabadan shirkadaha ganacsiga e guuleystay iskuma dayaan inay wax walba iibiyaan. waaxay xooga saaran qayb kamid ah suuqa waxayna garteen in meelkaliya xooga lasaara ay qorsha ahaan ka faa'ida badan tahay in wax walba la'iibiyo.
xaqiiqa ahaan inaad go'aamiso habka uu kuguleysan karo ganacsigaagu ama shirkaddadu waa wax maldahan. waxay ubaahan tahay hab cusub o si dhab ah u ugu guuleysan karo qorshahaga ganacsi. qorshaha ah "the more is better" o intabadan wax lagu dhiso wa hab qaldan. waxa shaqaynaaya aya ah inaad xooga saarto meel gaar ah halki aad noqon lahayd general ama wax guud o hadba meel u hayaama.

farqiga udhexeeya guusha ganacsi e kashaqaynta dhinac walba iyo guusha meel gaar ah o xooga lasiiyo.
inta badan shirkaduhu waxay maraan hab aan xaqiiqa ahayn oo ah in ladaboolo dhamman qaybaha kala gadisan e suuqa. ogow guushu kaagama baahna adiga inaad kashaqayso dhamman qaybaha kala duwan e suuqa. kaliya waxa ay kaaga baahantahay inaad qayb gaar ah aad sifiican xooga usaarto aad siwacana udaboosho guud ahaan baahiyaha ka imaan kara o idil. waakan farqiga udhexeeya guusha ganacsi e kashaqaynta ganacsiga guud iyo kan gaarka ah.
shirkado aad uyar ayaa awooda inay kashaqeyaan ganacsi guud inkastoo kuwa kaloo badan ay iskudayeen waayo waxay siqaldan ufasirteen inay noqdaan kuwa faa'ido ama wax soosaarka badan. iyado ay jirto in kuwi awooday inay siguud u shaqeeyan ay ku rafaadsan yihiin sidi ay wax un usosaari lahaayeen. soo qaado tusaale ahaan General Motors wa shirkad siguud ushaqaysa iyo Porsche shirkad baaburta kashaqaysa o meel gaar ah xooga saarta. intabadan tobonaanki sano e udanbaysay GM waxay ahayd shirkadda ugusoo wax soosaarka yar. qiyaas qoladee ugusoo wax soo saar badnayd?


bal eeg ama qiyaas tamarta iyo resourceka u ubaahan yahay in lamaamulo ganacsi guud xattaa ha ahaado small industry. sababta in meel gaar ah xooga lasaro ku wanaagsantahay waxa kamid ah waxaad yeelanaysa wax soosaarka ugu fiican, waxaad keenaysa service ka ugu wanaagsan, markaa intaas lahelana dabcan waxaad ku iibsan karta qiima sarreya. qeexidda ugu habbon ayaa ah inaad ugu wanaagsanaato meel gooni ah. madhacayso in shirkada ay meel walba ay kufiicnaato. macquul maahan.



inaad meel gaar ah xooga saarta maahan inaad koobantahay 



inta badan dadka ku takhasusay ganacsiga waxay simaan inaad meel gaar ah xooga saarto iyo inaad markaas noqotay mid ushaqeeya sida dukaan yar o kale. laakin xaqiiqa ahaan labadaani fikir ahaan aad ayay u kala fogyihiin. inaad leedahay qorshe ganacsi oo xooga saaraya meel gaar ah maahan macneheedu inaad kujirto xayndaab yar. aan dhinaca kale ka eegno, Starbucks waa shirkad ka shaqaysa coffee aduunka dacaladiisana gaartay. shirkada dhif ah ayaa sidooda o kale noqday. mawaxaad umalaynaysa inay suuqa xoog kuqabsadeen sida maqaayad iibisa cunnoyinka oo idil? dabcan waa maya.

marka aad fiiriso aduunka shirkadaha ugu waaweyn(ma rabo inaan sheego sida dhaqsaha ah e ku korayaan iyo wax soo saarka ay sameeyan intaba) maahan shirkado si general ah ushaqeeya, marka aad fiiriso war bixinada ay soo saaran dadka kahadla xogta suuqyada shirkadaha kashaqeeya general market waa kuwa ugu hooseeya marka lasoo daabaco top 100 agencies.


Marka laga eego dhinaca xaddiga iyo wax soosaarkaba shirkadaha kashaqeeya meelaha gaarka ah(special segment) waa shirkada ugu qiimaha badan. Apple waa shirkadda ugu qiimaha badan aduunka waana shirkadda ugu adeeg kooban marka loo barbardhigo aduunka shirkadaha kashaqeeya.

Ganacsiga inta badan yaqaan waxa uu utaagan yahay waa midka ay shaqaalihiisu faraxsanyihiin, midka macaamiishiisu faraxsanyihiin iyo midka dadka iska leh ay faraxsanyihiin waayo waa kala haboonyihiin isla markaasna kala fiicanyihiin inaad meel gaar ah ku fiicnaato iyo inaad isku daydo inaad wax kasta kufiicnaato.
ref: World Economic Forum