Wednesday, September 9, 2015

Shaqaale: Iska bax haddi Kale.....

Waa maxay Shaqaale?
Shaqaale ama Xoogsade waa qof u shaqeeya qof kale ama shirkad ganacsi si uu Mushaar u qaato (http://dictionary.reference.com/browse/employee).
Horudhac
Aduunka casriga ah shaqaaluhu waxa ay leeyihiin xuquuq qeexan oo layaqaan taas u o golaanaysa inay helaan wax walba oo xaq ama lihi u leeyihiin isla markaasna ka difaacaysa wax kasta oo meel kudhac ku ah sharaftooda iyo Xuquuqda ay leeyihiin oo ay ugu horrayso Mushaarka. Waxaa jira sidoo kale ururo shaqaale oo midaysan iskuna duuban oo ka dhiidhin kara waxii ay u arkaan inay dhib ku yihiin.
Shaqaaluhu waa laba nuuc o kale ah Khabiir(Senior) iyo Curdan(Junior). Khabiirku waxa uu isku badalaa lataliye(Consultant) curdankuna waxa uu noqdaa Khabiir sidaas ayay isku daba taal oo u wareegta noloshu.
Soomaaliya iyo Shaqaale
Burburkii dalka kaddib wax walba waa karaama iyo qiima beeleen qof walbana asagaa dowlad madax banana ah siduu doonana isu maamula. Marka ay timaado shaqaalanimo bari waxa jirtay meel loo shaqa tagaa aysanba jirin laakin waa yihii danbe waa laroona haba lakala darraade.
Qaybaha uu shaqaaluhu u qaybsamo ee aan horudhaca maqaalkan kusoo sheegay Soomaaliya kama shaqeeyaan xatta wax u dhow ku arki maysid. Waxaad arkaysaa shaqaale shirkad ganacsi u shaqaynayay inka badan 10 sano oo marki larabay in lamaamuso bah dil lagu samaynayo oo u dhiganta iska bax ama sidaan ku shaqee taas oo niyad jab wayn ku keenaysa ruuxa nuucaas loola dhaqmay. Waxaa kamid ah qabka bahdilka:-
v In lagu soo oogo dacwado been abuur ah.
v In kaddibna lagu sameeyo shaqa joojin aan melena loo cuskan.
v In lagu sameeyo waxa loo yaqaan downgrade sida in meel aan u qalmin sumcadiisa iyo shaqadiisa loo badalo.
v In maamul looga dhigo qof darajo iyo aqoon ahaanba ka hooseeya.
v In loo muujiyo in laga maarmo sida in marka shaqada laga joojiyo Automatically booskisi vacancy advertisement loo sameeyo ama xatta qofkalaba booskisi lageeyo.
v Iyo in…. iyo in…….. iyo in…….
Maxaa la gudboon qofka duruufta caynkaas ah ku shaqaynaya?
Dabcan aqriste haddi sidaan ay kugu dhacday ama aad wax u eg ku dhex jirto aan kuu fasiree waa bax naga tag, horana usoco inta aanan kusiin warqaddada ruqsada. Marka, waxa ku haboon inta aad ku dhex jirto good mood inaad naftaada u diyaarisa inaad noqoto qof markasta loo bahanyahay ama aan laga maarmin o marka aad fasax soo qoroto aad looga naxaa tagistaada sidaasna waxa aad ku noqon kartaa inaad aad isku diyaariso o aqoontaada aad dhistaa. Kama wado jaamacado tira badan kabax lkn same waxa loo yaqaan Continuous study ama Self-study. Waliga ha niyad jabin waayo ciyaarta feerka lama kala adkaado marka qofku dhulka ku dhaco lkn waxa lakala adkaada marka ciyaartoyda midkood uu diido inuu dhulka ka kaco.

-----dhamaaad------