Sunday, January 8, 2017

Habka ugu wanaagsan ee casharada dib loogu aqriyo

BISMIALLAH,
Arday walba waxa u jecelyahay inuu si wanaagsan uga gudbo fasal walba e u dhiganayo asago maada walba ka keensanaya dhibcaha ugu wanaagsan ee laga heli karo maadadaas. Iyadoo wax walba nasiib yihiin hadana arrinkaas waxa u ubaahanyahay inaad u wajahdo si xeeladaysan si lamarkaasna aan dhib badan lagala kulmayn. Markasto o Imtixaanaad lashaaciyo waxaa dhacda in arday badan ay lakulmaan wareer farabadan (frustration) kaddib marki ay isku dhigmi waysay natiijada ay lakulmeen iyo saacadihii faraha badnaa misana xariirka aha e ay wax soo aqrinayeen.
Haddaba si arrimahaas aysan kuu qabsan waxa aan halkaan kugula wadaagaya farsamooyin yaryar o aan is leeyahay haddi aad raacdo waxa kuu sahlanaan doono Alle idankii inaad si raaxa leh ku dhamays tirto inta ugu muhiimsan safarkaaga wax barashada.
1.   Soo xaadir fasalka dhugna u yeelo sharaxaada Macalinka
Fasalko o aad timaado waqtiga saxda ah isla markaasna aad tahay qof soo dhiran si wacanna ula socoda dhamman dhaqdhaqaaqa Macalinka waxa ay kaa cawinaysa inaad sharaxaada dib usoo xasuusato marka hadhow aad buga aqrinayso.

Ma Ogtahay: way adagtahay inaad ku raaxayso aqrinta cashar aad ka maqnayd ama aadan si wacan usoo dhagaysan arrinkan oo kamid ah mid kamid ah waxyaabha keena inad si dhaqsa ah uga caajisto aqriska duruusta.

2.   Si wanaagsan uga qayb qaado doodaha fasalka
Waydiimaha iyo warcelinta ay isdhaafsadan Macalinka iyo Ardaydu ka mid ahow noqona qof ah ka qayb qaate wanaagsan (active participant).

Ma ogtahay: Sahal laguma iloobo su’alaha arday badan inta kasoo gudubtay aad adigu ka warcelisay iyo midda aad inta gaftay saaxibkaa ka jawaabay.

3.   Dhamaystir shaqa guriga si maalinle ah
Su’aalaha guriga lala aado inaad ka soo shaqaysaa kaliya maahan inaad shaqa kuutalay iska qabatay e waxa ay kaacawinaysaa inaad ogaato waxa kuu qoran sax ahaantooda iyo inkale waayo Macalinka ay ku saxaya. Waxa dhacda inta badan macalimintu inaysan waqti badan u helin inay ardayda o dhan wax u saxaan marka iskuday inta badan inaad kamid noqoto dadka dhifka ah e wax loo saxo.

Ma ogtahay: su’ala badan o kaga jawaabnayn isna gaaray inay tahay niyad jabkaaga koowaada e xilliga Imtixaanka kalsoonidana ka qaadi kara.

4.   Raadso meel ku haboon inaad wax ku aqriso
ü  Samayso meel kuu go’an kaligaa.
ü  Haddi aad joogto meel leh Wi-Fi ka bax (sign-out) dhamman baraha bulshadu kuwada xariran sida Facebook, Twitter, Instagram, etc.
ü  Codka ka xir mobilkaaga (Silent or Mute).

Ma ogtahay: waxaad aqriso adigoo jooga meel aan munaasab ahayn ama baraha bulshada kujira inaad si sahlan ku hilaamayso.

5.   U kala hormarso Maadoyinkaaga siday kuuga kala muhimsan yihin ama aad u kala jeceshahay
Ardaydu iskumid maahan qofba maado ayu jecelyahay ama ay xiriir laleedahay waxa u rabo mustaqbalka inuu jaamacad ka diyaarsho, inaad sidaan yeesho waxay kuu ogolaanaysaa inaad wax aqrintaada hore usii wado waayo waxaad aqrinaysa wax ku xiisa galinaaya kaddibna aad u gudubto maadooyinka kuu harsan.
Waxaad isticmaasha waxa looyaqaan checklist ama to do-list kuna dhaqan isla markaasna calaamad ku dhigo inta aad soo dhamaysay si ay kuuga calaamad sanaato.
6.   Samayso habraac waqtiyeed suura gal ah ama caqli gal ah
Qubarada arrimahaan aadka ugu xeelka dheer waxay yiraahdaan intii aad isku aruurin lahayd casharada e halmar aad u fariisan lahayd saacada dhaadheer o xariir ah wax aka wanaagsan inaad maalin walba 15 daqiiqo aad samayso waxa loo yaqaan (summarizing or note taking) kaddibna aad fiir fiiriso waxi aad qabatay. Caadi ahaan waqtiga ugu macquulsan e wax la aqrin karaa si xariir ah waa 60 daqiiqo ama hal saac kadibna qaado biririf yar (refreshment) sida inaad wacdo qof aad shekadiisa xiisaynayo kaddibna dib ugu laabato, arrinkaan waxa u nafis siinaya maskaxdaada kana dhiga mid dib u karaar qaadata. Hal saac waxa lagu aqrin kara hal cutub o aan aad u dheerayn. Qodabkaan waxa aan kawada adigu isku jaan goo waqtiga aad qabsatay iyo xadiga waxa aad aqrinaysa inta ay la egyihiin.

Ma ogtahay: inaad isku daydo aqrinta 12 cutub o xariir ah waxa ay dhibaysaa maskaxdaada kana dhigta mid isku cakiran (stuck).

7.   Ha noqon qof aqrinaaya sheeko (Story)
Maahid qof aqrisanaya sheeka qof qoraa ahi qoray e waa inad la fal gashaa waxa aad aqrinayso sida inaad:-
ü  Calaamadiso meelaha muhiimka ah e aad isleedahay su’alo ayaa ka imaan kara.
ü  Xooga saarto eray climiyeedka (terminologies/keywords) kujira casharka iyo hababka kala duwan ee loo qeexayo.
ü  Su’alo jeebkaaga ah inaad ka soo sarto cutubka marka aad dhamayso.
ü  Iyo inaad naqtiin ku samayso cutub walba marka aad dhamayso inta aadan kan kale u gudbin.
8.   Isticmaal shax (chart) ama sawir (diagram)


Sawirkaasba sida aad ka aragto way sahalantahay inaad maskaxd ku qabato sida loo qaybiyay Jeermiska. Haduusan macalinku ama buuga aad aqrinaysaa usaan qaabkan samayn adigu samayso.
9.   Qofkale u sharax oo Macalin u noqo
Raadso qof inta badan maadada aan wax ka aqoon si uusan hadba wax kuugu qabsan kaddibna u sharax. Intaba waxa la ogyahay waxa aad cidkale u sharaxdo sahal kuma hilmaantid maskaxdaadana way ka dhaadhacdaa hadii kale, isticmaal muraayad wayn o isku sharax arrinkaana fa’iida kalana wa kuu leeyahoo waxaa lagu bartaa sida dad wax loogu sheego.
10.  Raadso qoraalo ku haga ama Imtixaano horay loo qaaday
Raadi haddi iskuulkaagu/kuliyadaadu ay samaysay qoraalo loogu talagalay ardayda oo ku hagaaya sidii ay ula macaamili lahaayeen sanad daraasedkan kugu cusub sidoo kale Imtixaanadi hore inaad qaar ka aragtaa waxay ka cawinaysaa inaad wax ka si fahmato habka Imtixaanku u ekaan karo.
11. Samayso waqti nasiino (take breaks)
Cidina buug ma dul fadhin karto marwalba waa inuu jiraa waqtiyo kuu gaara sida jimcooyinka oo aad asaxaabta labaashaal tagtaa badanaa jimcooyinka ayay ku haboontahay inaad sidaan samayso.
12. Lasaaxib inta badan Macalimiintaada
Waxay sidaani kuu sahlaysaa inaad caawinaad ka hesho macalimiinta waxaadna ku gaari kartaa inaad marka hore tahay adigu arday firfircoon.
13. Mararka qaar ardayda kale e fasalka wax la aqrsio
Waxaa haboon inaad ardayda firfircoon e isku hadafka aad tihiin waliba aadna isku xaafadda ahayn ama saxibada isku dhow (close freinds) aad wax la aqrisato
Waayo saaxibada isku xafadda ahi intabadan marka ay isla joogan wax ma aqristan waxa laga yaaba inaad is waydisaan kulamidi udanbeeyay ee Premier League laga cayaaray. Laakin si kaduwan, ardayda aadna isku xaafadda ahayn ama aadna ahayn saxiba isku dhow marka aad isku timaadan hora waxaad ka galaysaan shaqadi aad meesha u timaadeen waayo majiraan waxbadan o aad isla taqaanan o aad kawada shekaysataan. Qodabkaan waxa uu aad u anfacayaa ardayda jooga magaaloyinkaa waawayn.
14. Qoyskaagu waa inuu kugu caawiyaa wax barashadaada
Qoyskaagu waaba ku caawiyay o waa adigaan wax baranaya laakin waxaan kawada wa in xiliyada aad wax aqriska kujirto aan wax laguu dirdirsan o lagaa leexdaa si aad fursad fiican ugu hesho wax aqriskaaga isla markaasna aad xooga u saarto waxa aad aqrinayso.

Intaas Ayaan kusooo koobayaa qormadayda ogowna waxaan waa fikradayda hadaysan ku cajabin just leave it and ignore.


Mahdsanid

Sawirkaan eeg hadaad rabto English qoraalka oo ah