Sunday, December 25, 2016

Habka ugu wanaagsan ee lagu yarayn karo walwalka Imtixaanadka

Waa marwalba iska dhaca inta badan in marka Imtixaan lagaaro u yimaado walwal ku yimaada ardayga arrinkaas oo sababi kara in u diyaar garowga Imtixaanka uu hoos u dhaco. Waxyaabaha walwalkaan keena waxaa ugu horeeya ama ugu wayn liidashada hab waxbarasheedka ardayga ee marka daraasaddu socoto. Haddaba waxaan qorma kooban ka samayn doona sida ugu fudud ee looga hortagi karo walwalkaas.
v  Naftaad aamin: kalsoonida naftaada waa furaha koowaad ee wax walba ku gaarsiin kara o haddi aad hanota ay waxlba kuu hagaagayaan ugu danbayn, haddi ay kaa luntana aysan cidkale kusiinkarin. Haddi aad cidkale ka sugayso inaad kahesho caawinaad dhanka Imtixaanka ah waligaa ka bixi maysid walwal Imtixaaneedka hadaad mar sidaas ku gudubto mararka danbe dhib ayay kugu noqon doontaa.
v  Ha isku dayin inaad maada walba inta lagu saxaayo keento: waa arrin inta badan ay sameeyaan dadka dhifka ah, laakin haddi aad ku qanci waydo wax kayar inta lagu saxayo maada walba waxaad abuuranaysaa buuro walwal ah oo cidina aysan kaa saari karayn. Wax walba fudayd kadhig kuna qanac haddi aad lumiso shan darajo iyo waxii lamid ah.
v  Dhibka aad lakulanto markaaba xalli:  haddi ay dhacdo inaad fahmi wayso maadoyinka qaar cashara kamid ah raadi caawinaad sida inaad gooni ula kulanto macalinka maadadaas dhigaya ama inaad arday kale o fahamsan aad caawinaad waydiisato si aad u fahmto waxa kaa maqan. Tani waxay kaa yarayn karayntaa dhibka aad kala kulmi lahayd marka aad murajacada samaynayso waayo waa dhib waxaadan fahamsanayn inaad muraajacayso.
v  Samayso saaxib wanaagsan oo aad wax isla fiirfiirisaan: waxaa wanaagsan inaad leedahay saaxiibo wanaagsan oo ardayda kamid ah oo wax isla daraasaysaan mararka qaar si aad iskula turxaan bixisaan waxyaabaha mugdigu kujiro. Tani waxa ay sara u qaadaysaa fahamkaga ku saabsan maadada aad ku samaysaan dib u eegida waxayna ku soo laabanaysaa maskaxdaada marwalba.
v  Qorshayso waqti kugu filan ee wax aqriska: qorsha fiican u samayso wax aqrinta sida inaad maalin walba samayso  50 daqiiqo o wax aqrish ah kaddibna aad break yar qaadatao hadana aad 50 daqiiqo o kale aad samayso. Arrinkan waxa uu ku gaarssin doona in marka Imtixaan lagaaro aadan waxba ka walwalin. Break qaadashadu waxay yaraynaysaa inaadan caajisin maskaxduna ay nasiina yar hesho o ay dib ugu karaar qaadato. Jadwal u yeel wax aqriskaaga haba yaraade o ku dhaqan waqtiga meesha ku qoran waa tusaale.
v  Yaree maqnaashahaaga xilliga daraasadda: waxa aad iska ilaalisaa inaad ka maqnaato xiisad kamid ah daraasadda haba ahaato xataa mid sports ah waayo waxa macalinku sheegay cidkale o ku celin kartaa waa yartahay. Sidoo kale iska ilaali soo daaha o asna ah caqabad kale oo dhib kugu keeni karta.
v  Samayso waqti gaar ah oo aad saaxibada la baashaasho: mar walba hadulfadhin book un waa inaaad saaxibadaa banaanka u raacda banooni la soo cayaarta ama sheeko la soo yeelaato. Arrinkaa waxa u kuu samaynaa inaad isku dheeli tirto hab nololeedkaaga waxa uuna siguud kaaga nafisinayaa culaysyada nolosha ee kugu imaan kara waana inaad leedahay saaxiibo aad isku hadaf tihiin oo aad waqtiyada wanaagsan isla qaadataan.
Waxii kale ee aad isleedahay waxay kaa yarayn karaan walwalka Imtixaanadka waad ku darsan kartaa ogowna waxaad taqaanid ayaad qaldi kartaa e ha isku dhibin inaad ka fakarto maado aad gashay wax aad ka soo qaladay ee xooga saar marwalba mida soosocot.

Nasiib Wacan dhamman ardayda heerarka kala duwan kujirta ee Imtixaanadka  sugaya marwalba.

Wednesday, May 25, 2016

Side looga hortagi karaa fatahaadaha?


Hababka ugu badan ee la isticmaalo
Waayihii danbe, hay’adda ka shaqaysa arrimaha deeganka e layiraahdo Environment Agency ee UK ayaa waxa ay soo bandhigtay habab ku meel gaar ah oo lagu joojin karo fatahaadaha wabiyada si loogu helo ka hortag dheerad ah fatahaadaha wabiyada.

Xayndaab qayb-bireedka fudud (lightweight Sectional Metal barrier): qayb ahaan waa raqiis waxaana loo diyaarin karaa siyaaba badan o kala duwan waana laga bixin karaa halka laga dhiso marka biyaha xoogoodu yaraado.

Qolof Xayndaabedd (Frame Barrier): waxa uu ka koobanyahay qolfo adag (rigid frames) oo ay celinayaan lakab aysan waxba ka gudbayn kaaso isticmaalaya culeyska biyaha daadka ah qudhooda si uu xayndaabka uga ilaaliyo inuu ka dhaqaaaqo booskiisa.
Xayndaabyadaan kumeel gaarka ah sidookale waxa loo isticmaala in logu xoojiyo difaacyadii hore e joogtada ahaa si loo yareeyo qatarta fatahaadaha sarana loogu qaado heerka xadididda daadadka.



Heerka dabiiciga ah ee maamulidda daadadka
Maamulidda dabiiciga ah ee daadaka waxa ay u baahantahay qorsha joogta ah si loo maareyo fatahaadaha taaso loogu talagalay in lagu dhamaystiro laguna xoojiyo hababkii hore e ka hortagga fatahaadaha sida carratuurka ama darbiga adag iyo xayndaabyada.
Qaababkaasi waxa ay kakooban yihiin isugaynta hababka ugu yar e lagu faragalin karo fatahaadaha taas u jeedku yahay in layareeyo xawaaraha daadka kahor inta aysan isku badalin wabi kale o deegamada soo gala.
Siyaabaha kale ee maaraynta waxa kamid ah in caratuur lasameeyo iyo in biyaha loo furo meela kale oo biya mareena ah oo loosiidiyaariyay taasoo koontarooli karta xawaaraha biyaha ama xatta yarayn kartaa saamaynta daadadka.  

Xigasho: Environment Agency iyo BBC

Saturday, May 21, 2016

Side ku dooran lahayd kulliyada aad rabto marka aad dhamayso dugsi sare?

Sanad walba waxaa ka soo qalin jabiya arday badan dugsiyada sare kuwaa oo dhibaata ka qabsato sidii ay ugu biiri lahaayeen kuliyadda ku haboon isla markaasna uu Ardaygu raaxa ku dareemi karo marka uu dhiganayo fasalka. Sida inbadanba dhacda arday walba waxa u fiirsada saxiibadiis halka ay u badanyihiin ama ardaydii ka horreysay halka ay kubiireen taasina caqabad ayay ku keeni karta qofka sidaas sameeya iyadoo ugu danbayn ay dhici karto inuuba wax barashada ka tago.
Qormadaan waxa aan jeclahay inaan ugu faa’ideyo ardayda sanadkaan kaso qalin jabisay dugsiyada sare ee dalkeena si ay faham uga qaatan habka ay u dooran lahaayeen qayb jamacadeedka ku haboon si ay ugu sahlanaato ardayga inuu fudayd ku dhamaysto jaamacada.

1-   Waa maxay xirfada aad rabto inaad barato?
Inaad ogaata xirfadda aad doonayso inaad barato ama ku taqasusta waxa ay kaa cawinaysa inaad ogaato halka hayaankaagu yahay waxaadna ogaanaysa meesha ay jirto kulliyada aad u baahantahay tusaale ahaan haddi aad doonayso inaad barato cilmiga deegaanka (Environmentalist) waxa ay qayb katahay kulliyadda layiraahdo Ecology.

2-  Ardaynimadaadi maadoyinke ku wanaagsanayd?
Dib u eeg ugu yaraan tobonkaagi sano ee arday-iskuulka ahayd kuwee ahaayen maadoyinka aad ku firfircooneed tusaale ahaan, haddi aad ahayd arday aad ugu fiican maadoyinka sayniska gaar ahaan qaybaha xisaabadka iyo fiisikiska way iska cadahay inaad u socoto kulliyada injineeriyada qaybaheeda kala duwan.

 3-   Noqo aqoonyahan markasta loo baahanyahay
Si aad u noqoto qof loobahanyahay marwalba waa inaad awood u yeelata inaad baran karto waxa looga baahanyahay deegankaaga e aan loobadnayn si aad u buuxiso booskaas banan ama sikale haddi aan u iraahdo waa kulliyadaha aan horay loobaran. Tusaale ahaan wadankeena waxa kamid ah qaybaha aadka loobartay maaraynta ganacsiga oo dad badani ay barteen. Si arrinkaan aad go’aan fiican uga qaadato waxaad u baahantahay inaad latashato saaxib wanaagsan ama qofkle oo khabiir ku ah arrimahaan sida barfisoorada jaamacadaha.

4-  Inaad leedahay nadaam kuu dagsan o kala horeeya (priorities) tusaale ahaan waxaad rabtay inaad noqoto pathologist waana ku suurtoobi waysay inaad hesho qaybtaas. Ma iska fariisanaysaa marka? Maya, ee wa inaad horay u sii ogayd haddi aad waydo dooqagi koowaad inuu kuu jiray mid labaad o isla qaybahaas caafimaadka ah waayo waa in listiga aad samaysanaysaa uu yahay mid logic ku dhisan ama cilaaqaad isla leh. Arrinka aan qodabkaan uga hadlayo waad ku arki doontaa jaamacadaha qaarkood o forms-ka lagaa buuxin doono ayaa waxa kamid noqon doono inta kulliyadood e aad jecashahay inaad ku biirto haddi aad wayso ti aad dalbatay markii hore.

Ugu danbayn, waxa aad ogaata dooqa saaxibkaa maahan kaaga ee adigu marwalba ku dadaal sidii aad ugu biiri lahayd kulliyada aad jeceshahay. Haddi aysan wadanka diyaar ku ahayn qaybta aad doonaysa inaad ku mutacalimto isla markaasna aad awood dhaqaale u leedahay inaad dalka dibadiisa aado haka daahin o yuusan waqti kaa lumin.

      ----------DHAMAAD-----



Sunday, April 10, 2016

Go'aan Wanaagsan La imoow kaddibna Fuli

Assalam Calaykum.
Waxaan jeclahay manta inaan wax yar ka hadlo su’aalo ay igu soo celceliyeen rag badan oo asaxaabtayda kamid ah kuwaas oo ku salaysan habka go’aan qaadashada rasmiga ah. Su’aalahaas gadaalkooda waxaa ka muuqada walwal ku saabsan guul darro ama fashil. Waxaa haboon qofka inuu kala fahmo guul darro iyo fashil.
Waxaa layiraahdaa qofka aan go’aan qaadan Karin waqtiga ku haboon noloshiisa waxa uu kulaystaa shalaay iyo hadaad shalay sidaas yeeli lahayd taasina wax ay ku dhaafinaysaa waqtiga aad hadda joogto waayo waxaad ku mashquulsantahay waqti la soo dhaafay.
Marka laga hadlaayo waxa qofku uu ubaahanyahay si uu go’aan u qaato dadku wax yaaba badan ayay tixaan laakin anigu hal oraah Ayaan ku soo koobayaa oo ah: NAFTAADA AAMIN, GUUL DARRO HA KABAQIN ALLAHI KU ABUURTAYNA KU KALSOONOW.
Oraahdaani wax yaaba badan aya ku uruursan o loo baahanyahay qofku inuu fahmo. Aaminidda naftaada waxay kulansanaysaa dhamman wax kasta o  aad u baahantahay si aad u wajahdo isbadalka cusub sida aqoonta aad u baahantahay, dulqaadka iyo kartida aad ku wajahayso isbadalkaas, inaad iska dhaga tirto dhamman dadka ka soo horjeeda go’aankaaga isla markaasna aan fikir saliim ah kugu soo kordhinayn. Tusaale ahaan, hadaad doonayso inaad wadankaan doorashadiisa u tartanto 2020 marka lagaaro waxad ubaahantahay hadda inaad checklist samaysato kaa oo loo baahanyahay inaad xaqiijiso ka hor waqtigaas waliba wa kala duwanan donaa checklistigaasi o haddi doorashadu sida lafilaayo hal qof iyo codkiis noqotana waa list gaar ah sidaan hadda wax yihiin haday ay ahaatana wa list gaar ah o ay ugu muhiim sanaan doonto inaad lacag badan haysato.
Si aadan guuldarrada uga baqin waxaad u baahantahay inaadan si indha la’aan ah aadan go’aanka u qaadan o aadan hal dhinac ka fiirin oo ah inay wax walba noqonayaan sida fiican ee ku dar xisaabta in marka ugu horaysa wax walbaa ay yihiin konton konton aadna adigu tahay qofka wax walba wajahaaya. Wali lama sheegin qof inta wax isku dayay ay boqolkiiba boqol siduu rabay wax u noqdeen kaliya waxa lagaa doonayo ayaa ah inuu kuu muuqdo hadafkii wanaagsanaa ee aad isbadalkaan u dooratay ay mar walbaana kuu cadahay sidii aad ku gaari lahayd waqtiguu xooga haba kugu dheeraade.
Kalsoonida Allah waxa ay tahay inaad marka hore horta Allah ka xishootaa intii aad awoodo si Allah asna kuula garab galo waxa wanaagsan ee aad dooratay oo ah horumarinta naftaada iyo go’aan qaadashadaad dhanka wanaaga ah waayo xumaan Allah xagiis lagama doono.
GUULDARRO VS FASHIL
Kooxaha kubadda cagta dheela waxay yiraahdaan maanta haddi lagaa badiyo barribaad badinaysaa. Si aad u kala fahamto Guuldarro iyo Fashil waxaan tusaala u soo qaadanaya horyaalada kubadda cagta e kala duwan kooxaha dheela. Waxaa jira koox guuldarraysatay iyo mid fashilantay, kooxda guuldarraysatay waa koox laga badiyo mararka qaar iyaduna marar kaloo badan guulaysata ugu yaraana markasta ka mid ah kooxaha heerka koowaad hadaysanba koobka loo tartamayo iyadu kuguulaysanba. Koox fashilantay waa koox inta guuldarraysatay ay ku adkaatay inay ka soo kabsato guuldarroyinkaas sidaa darteed ugu danbayn waxay ku fashilantay inay kasii mid ahaato kooxaha heerka koowaad oo dib ayay ulabatay.

Dulucda tusaalahaan, FASHIL waxaa layiraahdaa inaad halkii aad ku guuldarraysatay aad ka kici wayso kaddibna aad ogaalato inaad fashilantay.

Monday, February 8, 2016

Assume that I’m upcoming Somali President at 2016

The current federal government led by HE president Hassan Sheik Mohamud took its four years’ time to lead the Nation and the next September this year will be held general national elections throughout the country. I don’t like to mention about what the government achieved and not. But, during this critical -Campaign- time several people start the election campaign to attract the eyes of the community and to advertise what everybody will do if he come to the state house. Mostly, they used boards and labels printed by their pictures with right hand risen up and tagged the side of the main streets. As I’m one of the candidates, I’ll use and shape my election campaigns very differently from previous methods used by presidential competitors. People will flow my updates to this blog during this campaign.
I need to figure out the milestones of my achievements and I’ll enlist here post by post. My audiences can provide positive feedback and instructions in comments text box and I’ll promise to take them as soon as they are constructive. Father more, you can contact me directly to my social media accounts.



Have a nice Campaign all!