Sunday, April 10, 2016

Go'aan Wanaagsan La imoow kaddibna Fuli

Assalam Calaykum.
Waxaan jeclahay manta inaan wax yar ka hadlo su’aalo ay igu soo celceliyeen rag badan oo asaxaabtayda kamid ah kuwaas oo ku salaysan habka go’aan qaadashada rasmiga ah. Su’aalahaas gadaalkooda waxaa ka muuqada walwal ku saabsan guul darro ama fashil. Waxaa haboon qofka inuu kala fahmo guul darro iyo fashil.
Waxaa layiraahdaa qofka aan go’aan qaadan Karin waqtiga ku haboon noloshiisa waxa uu kulaystaa shalaay iyo hadaad shalay sidaas yeeli lahayd taasina wax ay ku dhaafinaysaa waqtiga aad hadda joogto waayo waxaad ku mashquulsantahay waqti la soo dhaafay.
Marka laga hadlaayo waxa qofku uu ubaahanyahay si uu go’aan u qaato dadku wax yaaba badan ayay tixaan laakin anigu hal oraah Ayaan ku soo koobayaa oo ah: NAFTAADA AAMIN, GUUL DARRO HA KABAQIN ALLAHI KU ABUURTAYNA KU KALSOONOW.
Oraahdaani wax yaaba badan aya ku uruursan o loo baahanyahay qofku inuu fahmo. Aaminidda naftaada waxay kulansanaysaa dhamman wax kasta o  aad u baahantahay si aad u wajahdo isbadalka cusub sida aqoonta aad u baahantahay, dulqaadka iyo kartida aad ku wajahayso isbadalkaas, inaad iska dhaga tirto dhamman dadka ka soo horjeeda go’aankaaga isla markaasna aan fikir saliim ah kugu soo kordhinayn. Tusaale ahaan, hadaad doonayso inaad wadankaan doorashadiisa u tartanto 2020 marka lagaaro waxad ubaahantahay hadda inaad checklist samaysato kaa oo loo baahanyahay inaad xaqiijiso ka hor waqtigaas waliba wa kala duwanan donaa checklistigaasi o haddi doorashadu sida lafilaayo hal qof iyo codkiis noqotana waa list gaar ah sidaan hadda wax yihiin haday ay ahaatana wa list gaar ah o ay ugu muhiim sanaan doonto inaad lacag badan haysato.
Si aadan guuldarrada uga baqin waxaad u baahantahay inaadan si indha la’aan ah aadan go’aanka u qaadan o aadan hal dhinac ka fiirin oo ah inay wax walba noqonayaan sida fiican ee ku dar xisaabta in marka ugu horaysa wax walbaa ay yihiin konton konton aadna adigu tahay qofka wax walba wajahaaya. Wali lama sheegin qof inta wax isku dayay ay boqolkiiba boqol siduu rabay wax u noqdeen kaliya waxa lagaa doonayo ayaa ah inuu kuu muuqdo hadafkii wanaagsanaa ee aad isbadalkaan u dooratay ay mar walbaana kuu cadahay sidii aad ku gaari lahayd waqtiguu xooga haba kugu dheeraade.
Kalsoonida Allah waxa ay tahay inaad marka hore horta Allah ka xishootaa intii aad awoodo si Allah asna kuula garab galo waxa wanaagsan ee aad dooratay oo ah horumarinta naftaada iyo go’aan qaadashadaad dhanka wanaaga ah waayo xumaan Allah xagiis lagama doono.
GUULDARRO VS FASHIL
Kooxaha kubadda cagta dheela waxay yiraahdaan maanta haddi lagaa badiyo barribaad badinaysaa. Si aad u kala fahamto Guuldarro iyo Fashil waxaan tusaala u soo qaadanaya horyaalada kubadda cagta e kala duwan kooxaha dheela. Waxaa jira koox guuldarraysatay iyo mid fashilantay, kooxda guuldarraysatay waa koox laga badiyo mararka qaar iyaduna marar kaloo badan guulaysata ugu yaraana markasta ka mid ah kooxaha heerka koowaad hadaysanba koobka loo tartamayo iyadu kuguulaysanba. Koox fashilantay waa koox inta guuldarraysatay ay ku adkaatay inay ka soo kabsato guuldarroyinkaas sidaa darteed ugu danbayn waxay ku fashilantay inay kasii mid ahaato kooxaha heerka koowaad oo dib ayay ulabatay.

Dulucda tusaalahaan, FASHIL waxaa layiraahdaa inaad halkii aad ku guuldarraysatay aad ka kici wayso kaddibna aad ogaalato inaad fashilantay.