Tuesday, February 21, 2017

INAAD UN-KA U SHAQAYSO MAAHAN INAAD DADKA UGU XIRFAD IYO CAQLI BADAN TAHAY

Soomaaliya waxa ay gumaysigii ka xorowday lixdameeyadi wixii xiligaas ka danbeyayna waxa dalka soomaray dowlado rayid iyo milatari iskugu jiray. Wixi ka danbeyay sagaashamaadki dalku waxa u galay nasiib darro taaso ilaa imminka aan si wacan looga soo kaban waqtiyadu haba kala roonaadeene.


Laga soo bilaabo burburki dalka ilaa imminka dalka wax ka howl galayay hay’ado caalami ah o ay ugu wayntahay JAMCIYADDA QURUMAHA KA DHAXAYSA ama Qaramada Midoobay. Runtii dalka wax badan ayay ka qabteen o isugu jira Arrima Bani’adanimo iyo Horumarin intaba qormadaana maahan waxa aan uga hadlayaa arrinkaas.

Waxa jira shaqaala badan o aqoonyahan iyo xirfadlayaal isugu jira aadna u fiican o howshaas muhiimka ah soo qabtay imminkana wali wada o runtii usoo dhabar adaygay waqtiyo adagna soo dulqaatay. Qaarba naftooda ku waayay kuwa kalana way soo dhaawacmeen si loo gaaro wax ka qabashada arrimaha bani’adanimada murugsan ee dalka kajira.
Dadku isku mid maahane, kuwa kale o fara kutirs ah ayaa si guracan u isticmaalay hadafkaas quruxda badan ayagoo ka faa’ideysanaya awooda hay’adda u ka tirsanyahay iyo sumcadda ay leedahay.
Qaarba ka qaaday isla WAYNAN, KIBIR iyo YASMO u shaqaynta hay’adaha caalamiga ah iyakoo malaha uqaatay kubiirada hay’adahaas inay lamicna tahay adigaa wax walba ah.
Maadama dalku yahay dal faqri ah, qaarba la wareeray mushaarka iyo gunooyinka xooga sareeya e bil walba u soo dhacaya taaso qayb wayn ka ah ficiladaas liita ee lagu yaqaano dadka wax ma garatada ah e aan nolosha aduunyadan imminka lajoogo iyo tii horaba aan wax badan kala socon.

Ugu danbayn, hadaad shaqaala caalami ah tahay ha ismoodin wax kale e noqo qof lafahmi karo, furfuran o dad ladhaqankiisu yahay mid haboon.


F.G: qormadaydaan cid gaar ah kuma socoto


Igala soo xariir:
                Qayd2012@gmail.com
                Twitter
                

                  Nabadeey
                       
                       


Friday, February 17, 2017

Abaarta oo hoos u dhac ku samayn doonta dhaqaalaha dalka Somaaliya sanadkaan 2017 sida ay sheegtay IMF

Somaaliya waxa ay hor umar muhiim ah kagaartay dib u habaynta dhaqalaheeda iyadoo xariir wanaagsan layeelatay hay’adaha caalamiga ah e dhanka dhaqaalaha SHANTII sano ee udanbaysay. Si kastaba ha ahatee, sida kucada tala soo jeedinti afaraad e hay’adda lacagta aduunku ay bixisay 2016 saamaynta Abaarta ee dalka waxa ay sababi doonta in korarka dhaqaaluhu u hoos udhici doono 3.4% ilaa 2.5%.


2012 Somaaliya waxa ay ka soo kabatay 20-sano o dagaalo sokeeya ah. Dagaaladi kaddib xaaladda bulshada iyo dhaqaaluhuba waxay yihiin mid wali adag, faqrigu waa mid baahsan, shaqa la’aanta dhalinyaraduna waa halkeedi ayaa lagu yiri tala soo jeedinta IMF. Dowladda fedaraalka ah e ladoortay 2012 beesha caalamkuna aqoonsatay waxay wali wajahaysaa awood yari xaga hay’adaha dowliga ah, amni aan la isku halayn Karin iyo siyaasad qabiileed dhib badan kuwaaso cuuryamiyay dib u dhiska dhaqaalaha. Iyadoo lahelaayo taageerada deeq bixiyayaasha waxa hor umar lataaban karo laga sameeyay dhanka amaanka, sare uqaadida aqoonta iyo awooda hay’adaha dowliga ah iyo dhismaha maamul goboleedyada.

Xoghaya dhanka maamulka e IMF waxa u ansixiyay barnaamij layiraahdo Staff-Monitored Program (SMP) 2016-kii kaaso soconaaya May 2016 ilaa iyo April 2017. SMP ujeedkisu waxa uu yahay inuu caawiyo sare u qaadidda hanaanka dib udhiska dhaqaalaha Soomaaliya, dib u eegidda siyaasadda xoojinta iyo maaraynta ganacsiga yaryar, maamulidda dhaqaalaha iyo awooda hay’adaha dowliga ah. Iyadoo la ogyahay ducfiga nadaamka awoodeed ee Somaaliya, caawinaada dhanka farsamada (technical assistant) ahi waa qaybta ugu mihiimsaka e barnaamijkaan SMP uu qabanayo.

Iyadoo ay jirto jawi siyaasadeed aad u adag, dowladda Federaalka ahi waxay dadaal adag ugu jirta dib u soo nooleynta ilaheeda dhaqaalaha iyo hay’adaha ku shaqada leh. Dowladdu waxa ay ansixisay sharci loo yaqaano Public Financial Management (PFM), waxay suurta galisay in shaqaalaheeda rayidka ahi ay mushaarka u helaan qaab dijitaal ah booliskuna sidoo kale ku qaato mushaarka adeegaas, xisaab xirkii sanadki 2015 ayaa loo gudbiyay hanti dhowrka guud, waxa la ansixiyay qorshaha dib uhabaynta PFM-ka ee 2016-2020 ka iyo sidoo kale dowladdu waxa ay diyaarisay qorshaha qaranka ama National Development Plan (NDP). Iyado dowladdu wax ka ogtahay qorshaha dib u hayaynta lacagta, Bank dhexe e Somaaliya waxa u dib u dhisay shaqaala badana u qaadatay qaybta maamulidda lacagaha kaashka ah, waxa uu diyaariyay qabya qoraalka qorsha ka hortagga lacagaha been abuurka ah (anti-counterfeit) iyo iyadoo Bank-gu u sameeyay shax faahfaahsan o loogu talagalay dib u habaynta lacagta, sidoo kale waxaa dhamaaday Audit cid kale ay samaysay (External Audit) o lagu sameeyay xisaab xirkii bangiga ee sanadkii 2014-ka.

Dhaqaalaha Somaaliya waxaa lafilayaa inuu ku sii tiirsanaan doono deeqaha deeq bixiyayaasha, mashaaricda INGOs-ka iyo maalgalinta tooska ah ee badanaa ka timaada Somaalida dibadaha. Korarka dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha dalku waa mid u banbaxsan inuu hoos u dhaco xilli sanadeedka 2016-17. Korarka dhaqaaluhu waxa u ahaa sanadki 2016 3.4% halka sanadkaan lafilaayo inuu noqdo 2.5%. hoos u dhacaan ayaa waxa ugu wayn oo sababay aya ah saamaynta abaartu ay kuyeelatay wax soo saarki beeraha o awal ahaa mid la tartamaya qaybaha kale e wax soo saarka dalka sida dhismaha, isgaarsiinta iyo adeegyada. Sidoo kale, sicir bararka ayaa waxa lagu qiyaasay sanadki 2016 1.5% hadana waxa lafilayaa inuu sara ukaco ilaa 2.7% sanadkaan 2017. Lacagaha dibadaha kayimiaada waxay boqolkiiba 55.5% kayihiin dakhliga gudaha (GDP) waxayna inta badan kayimaadan xawaaladaha la soodiro iyo mashaaricda (grants) ay bixiyaan shisheeyuhu.


Iyada oo hora u soconaysa, dowladda federalka ahi waxay sii wadi doonta inay fuliso dhaman halbeegyada asalka ah si loo hor mariyo fiscal framework, sare u qaadidda faa’idada canshuurta (raise tax revenue), iyo samaynta dib u habayn qaabaysan. Dowladdu waxay qorshaynaysaa inay dib u eegid ku samayso qorshaheeda hor marinta qaranka si uu unoqdo gundhigga hab hormarineed walaba ayaa lagu soo gabagabeeyay xogta IMF.

waxaan cudurdaar muhiim ah siinayaa dhamaan hay'adaha dowliga ah e maaliyadda iyo dhaqaalaha, dhaqaalyahanada Somaaliyeed iyo aqristayaasha sharafta leh kaaso ku aadan tarjumadayda liidata e eray bixinada qaar iyo kuwa aan sidooda usoo qaatay intaba waayo anigu maahi dhaqaalayahan bartay cilmiga dhaqaalaha ama maamulka maaliyadda kaliya waxaan muhiim u arkay iyado la eegyo xiligaan adag inaan macluumaadkan uga faa'ideyo saaxibada daalacda bartayda aan kuleeyahay Google. 
 haddi aad rabto halki aan ka soo tarjumay riix halkaan

Mahadsanid