Wednesday, May 25, 2016

Side looga hortagi karaa fatahaadaha?


Hababka ugu badan ee la isticmaalo
Waayihii danbe, hay’adda ka shaqaysa arrimaha deeganka e layiraahdo Environment Agency ee UK ayaa waxa ay soo bandhigtay habab ku meel gaar ah oo lagu joojin karo fatahaadaha wabiyada si loogu helo ka hortag dheerad ah fatahaadaha wabiyada.

Xayndaab qayb-bireedka fudud (lightweight Sectional Metal barrier): qayb ahaan waa raqiis waxaana loo diyaarin karaa siyaaba badan o kala duwan waana laga bixin karaa halka laga dhiso marka biyaha xoogoodu yaraado.

Qolof Xayndaabedd (Frame Barrier): waxa uu ka koobanyahay qolfo adag (rigid frames) oo ay celinayaan lakab aysan waxba ka gudbayn kaaso isticmaalaya culeyska biyaha daadka ah qudhooda si uu xayndaabka uga ilaaliyo inuu ka dhaqaaaqo booskiisa.
Xayndaabyadaan kumeel gaarka ah sidookale waxa loo isticmaala in logu xoojiyo difaacyadii hore e joogtada ahaa si loo yareeyo qatarta fatahaadaha sarana loogu qaado heerka xadididda daadadka.



Heerka dabiiciga ah ee maamulidda daadadka
Maamulidda dabiiciga ah ee daadaka waxa ay u baahantahay qorsha joogta ah si loo maareyo fatahaadaha taaso loogu talagalay in lagu dhamaystiro laguna xoojiyo hababkii hore e ka hortagga fatahaadaha sida carratuurka ama darbiga adag iyo xayndaabyada.
Qaababkaasi waxa ay kakooban yihiin isugaynta hababka ugu yar e lagu faragalin karo fatahaadaha taas u jeedku yahay in layareeyo xawaaraha daadka kahor inta aysan isku badalin wabi kale o deegamada soo gala.
Siyaabaha kale ee maaraynta waxa kamid ah in caratuur lasameeyo iyo in biyaha loo furo meela kale oo biya mareena ah oo loosiidiyaariyay taasoo koontarooli karta xawaaraha biyaha ama xatta yarayn kartaa saamaynta daadadka.  

Xigasho: Environment Agency iyo BBC

No comments:

Post a Comment