Tuesday, February 21, 2017

INAAD UN-KA U SHAQAYSO MAAHAN INAAD DADKA UGU XIRFAD IYO CAQLI BADAN TAHAY

Soomaaliya waxa ay gumaysigii ka xorowday lixdameeyadi wixii xiligaas ka danbeyayna waxa dalka soomaray dowlado rayid iyo milatari iskugu jiray. Wixi ka danbeyay sagaashamaadki dalku waxa u galay nasiib darro taaso ilaa imminka aan si wacan looga soo kaban waqtiyadu haba kala roonaadeene.


Laga soo bilaabo burburki dalka ilaa imminka dalka wax ka howl galayay hay’ado caalami ah o ay ugu wayntahay JAMCIYADDA QURUMAHA KA DHAXAYSA ama Qaramada Midoobay. Runtii dalka wax badan ayay ka qabteen o isugu jira Arrima Bani’adanimo iyo Horumarin intaba qormadaana maahan waxa aan uga hadlayaa arrinkaas.

Waxa jira shaqaala badan o aqoonyahan iyo xirfadlayaal isugu jira aadna u fiican o howshaas muhiimka ah soo qabtay imminkana wali wada o runtii usoo dhabar adaygay waqtiyo adagna soo dulqaatay. Qaarba naftooda ku waayay kuwa kalana way soo dhaawacmeen si loo gaaro wax ka qabashada arrimaha bani’adanimada murugsan ee dalka kajira.
Dadku isku mid maahane, kuwa kale o fara kutirs ah ayaa si guracan u isticmaalay hadafkaas quruxda badan ayagoo ka faa’ideysanaya awooda hay’adda u ka tirsanyahay iyo sumcadda ay leedahay.
Qaarba ka qaaday isla WAYNAN, KIBIR iyo YASMO u shaqaynta hay’adaha caalamiga ah iyakoo malaha uqaatay kubiirada hay’adahaas inay lamicna tahay adigaa wax walba ah.
Maadama dalku yahay dal faqri ah, qaarba la wareeray mushaarka iyo gunooyinka xooga sareeya e bil walba u soo dhacaya taaso qayb wayn ka ah ficiladaas liita ee lagu yaqaano dadka wax ma garatada ah e aan nolosha aduunyadan imminka lajoogo iyo tii horaba aan wax badan kala socon.

Ugu danbayn, hadaad shaqaala caalami ah tahay ha ismoodin wax kale e noqo qof lafahmi karo, furfuran o dad ladhaqankiisu yahay mid haboon.


F.G: qormadaydaan cid gaar ah kuma socoto


Igala soo xariir:
                Qayd2012@gmail.com
                Twitter
                

                  Nabadeey
                       
                       


No comments:

Post a Comment